Khamiis 11, Nov 2025 {HMC} Trump ayaa xaqiijiyay inuu berri Aqalka Cad ku qaabbili doono duqa dhawaan la doortay ee New York , Zohran Mamdani , iyadoo kulankan uu soo jiitay saxaafadda , sabab la xiriirta Trump iyo xisbigiisa ayaa wax walba u sameeyay inta uu ololaha ku jiray Mamdani sidii ay ugu hortagi lahaayeen inuu ku guuleysto duqa New York , balse isku day kasta ayaa guul-darreystay.
Ma aha keliya qaabbilaad, Trump iyo kooxdiisa waxay doonayaan inay wax ka bartaan ololaha uu sameeyay ninkan dhallinyarada ah oo dhul-gariir ku ridey jeeb weynta Mareykanka , loobbiga Israa’iil iyo xisbiyada Jamhuuriga.
Tan iyo guushiisa uu cododka aqlabiyada ah uu ku gaaray, ay ku qasabtay kooxda ololaha xisbiga Jamhuuriga inay Trump kala hadlaan wax ka beddel uu ku sameeyo siyaasadiisa illaa hadallada uu jeedinayo,
waxayna qorsheynayaan laga billaabo Jannaayo,2026 in Trump hadalladiisa illaa ballanqaadyada maamulkiisa uu u weeciyo wax ka qabashada arrimaha taabanaya bulshada ,
maaddama Mamdani uu dhinacaa diiradda saaray, taa oo keentay dadweynaha inay si aan nus qarni ka dhicin ay isugu soo baxeen goobaha codeynta New York oo ah xarunta diblomaasiyadda, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha adduunka.



