Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay Taageeridda Argagixisada ayaa lagu xiray Nairobi.

0
43

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Booliska Kenya ee ka hortagga argagixisada ayaa xabsiga dhigay Caasho Qaasim Xasan, oo ah haweeney Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay taageero siinaysay koox argagixiso ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Caasho ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay goob ay ku dhuumaneysay oo ku taalla xaafadda Eastleigh ee Nairobi.

Markii la xiray, baarayaashu waxay ka heleen baasaboorka iyo telefoonkeeda gacanta, oo haatan lagu hayo baaris, si loo ogaado shabakadaha ay xiriir la leedahay.

Caasho Qaasim, oo 30 jir ah, ayaa haatan ku jirta xabsiga, iyadoo la marsiinayo habka sharciga ee la marsiiyo kuwa tuhunka loo soo qabto, iyadoo la sugayo maxkamadeynteeda, oo aan wali la shaacin goorta ay dhici doonta.

DCI-da Kenya ayaa sheegtay in Caasho la shaqeynaysay koox argagaxiso, oo aysan magaceeda shaacin, balse waxaa loo malaynayaa inay AS gacan-saar la lahayd, waxaana kiiskeeda dowladda Kenya ay sheegtay inuusan wax saameyn ah ku yeelanayn muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka.

Tan iyo markii ay Kenya Ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011, AS ayaa weeraro ka fulinaysay dalkaasi, iyadoo beegsatay Westgate Mall, Hotel DusitD2 hotel oo Nairobi ku yaalla iyo Jaamacadda Garissa, oo in ka badan 100 ku dishay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here