Itoobiya oo si qasab ah ugu qoreyso dhalinyarada ciidamada.

0
35

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ku aadan in dhalinyarada si qasab ah looga qabto wadooyinka iyo boostaajooyiinka gaadiidka, loona qaado tababar ciidan.

BBC-da ayaa ka ogaatay qoysaska maxaabiista iyo dadka arrintan la socda in dhalinyaro ay ku jiraan shaqaale dowladeed oo si qasab ah looga soo qab-qabtay waddooyinka, lana geeyo goobo kala duwan, si loo geeyo goobo lagu tababaro ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ugu baaqday Itoobiya in aan si qasab ah lagu askareyn carruurta aan qaan-gaarin islmarkana laga dhigin ciidan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu tababarto militariga.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025 ee Itoobiya, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu qasbayso inay ciidamada ku biiraan.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo si qasab ah looga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromia, kuna biiray ciidanka difaaca qaranka.

Badhaasaan oo [magaciisa aan beddelnay] waa shaqaale dawladeed oo ku sugan Galbeedka Arsi – islmarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha.

March 14, 2025, ayay ciidamada ammaanku xireen xilli uu subaxnimadii ka soo baxay qoyskiisa oo uu shaqo u aaday magaalada Adaama, kana soo shaqo tagay.

Waxa uu ku qeyliyay in uu yahay shaqaale dowladeed iyo dhaqtar xoolaha ah,balse ciidamada amaanka dhag jalaq uma siin codsigiisa.

Waa la xiray oo la geeyey goob ku taala magaalada Adaama oo ay isugu yimaadeen dhalinyaro ka kala timid qaybaha kala duwan ee Oromia.

Badhaasan ayaa ka dib markii ay xireen maleeshiyada iyo booliska, waxa uu fariin qoraal ah u diray qaraabadiisa oo degan Shaashamanne ka hor inta aan laga qaadin telefoonkiisa. Ciidamada ammaanka ayaa igu xiray magaalada Cadama,” ayuu yiri.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Shaashamannee oo ay qaraabo yihiin Badhaasaa oo codsaday in aan magaciisa la xigan sbabo aman darteed ayaa BBC-da uga warramay sida Badhaasaa loogu xiray Adaama iyo wixii uu la kulmay oo uu u kuur galay markii ay tageen magaalada Adaama oo ay baadigoobayeen.

“Ninkan Shaashamannee ayuu iska joogay, subaxnimadiina waxa uu shaqo u aaday Adaama, isla markii uu gaariga ka degay ayay qabteen.” Ayuu yiri.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here