Axad 23, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Itoobiya , Abiy Axmed oo muddooyinkii u dambeeyay aan helin dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed ayaa uga faa’iideystay shir madaxeedka G-20 oo ka socda Koonfur Afrika inuu la kulmo hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ku metalaya dalalka;
Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka , Finland , Norway , Turkiga , Australia , Hindiya , Koonfur Kuuriya, Vietnam , Imaaraadka Carabta, Koonfur Afrika iyo madaxda bankiga adduunka, IMF iyo bankiga horumarinta Afrika.






