Xildhibaan Aweys Mohamed oo loo magacaabay Ergeyga Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah.

0
18

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P/CVE).

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:

• Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada
• Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata
• Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga
• Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE

Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here