Isniin 24, Nov 2025 {HMC}Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay xirtay Dad isugu jira Rag iyo Dumar oo katirsan Daacish, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Warbaahinta la wadaagay in howlgallkaan uu ahaa mid qorsheysan.
Waxa uu sheegay in markii dagaalka tooska ah ay la galeen Daacish guullo muhiim ah ka gaareen in ay haatan billaabeen howlgallo kale ay ka sameynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin xubnaha katirsan Kooxdaas sida uu hadalka u dhigay.
Taliye Cabdulqaadir Dirir ayaa sheegay in howlgalladooda ay isugu jiraan kuwa toos ah, duqaymo cirka ah, kahortagga gurmad u gudbo Daacish iyo qab-qabashada Dadka la shaqeeya ee ka baxsanaya deegaannada howlgalladu xooggooda ka socdaan.
Booliiska Puntland ayaa digniin u diray Dadka doonaya in ay la shaqeeyaan Daacish, waxaana hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas la faray in ay gacan adag kusoo qabtaan isla markaana maxkamad lasoo taago cid weliba oo garabsiisa Daacish sida hadalka loo dhigay.






