Turkiga oo gacanta ku dhigeen saddex qof oo u shaqeynayay sirdoonka Imaaraadka Carabta.

0
37

Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Loollanka Dowladdaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa sare maray, kaddib markii maanta warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Istanbul lagu sheegay inay hay’adaha ammaanka Turkiga gacanta ku dhigeen saddex qof oo u shaqeynayay sirdoonka Imaaraadka Carabta oo xog aruurin iyo dabagal ku waday shaqsiyaad Turki ah oo hay’adaha amniga ka tirsan iyo xarumo muhiim ah.

Dalalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta , oo dano iska soo horjeeda leh ayaa joogitaan ku leh Soomaaliya , Liibiya illaa Suudaan, taa oo sare u qaadaysa dabagalkooda sirdoon oo dhinac kasta uu doonayo dhinaca kale inuu kaga gacan sareeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here