spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Turkiga oo Soo Saaray Diyaarada ugu Awooda Badan Caalamka.

Turkiga oo Soo Saaray Diyaarada ugu Awooda Badan Caalamka.

0
39

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Turkiga ayaa soo bandhigay Diyaarad kamid ah kuwa duulliye la’aanta (Drones) isla markaana awoodda in ay hawada kula dagaalanto diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka gaar ahaan F-16, waxaa lagu magacaabaa Bayraktar Kizilelma.

Ankara ayaa sanadihii u dambeeyay faraha la gashay sidii ay u samaysan lahayd qalabka Militariga iyada oo horay ugu guulaysatay in ay soosaarto taangiyo casri ah, diyaarado duulliye la’aan ah iyo agab kale oo ciidan.

Diyaaradaha Maraykanka ee F-16 waa kuwa Washington ku faanto isla markaana ay u diiday dalal badan, halka qaar kale ay uga iibisay shuruudo ku adag sida in maamulka guud ee diyaaraddaas ay gacantooda ku jireyso si aanay qish loogu sameen.

Tani waxa ay Turkiga ka dhigtay in uu noqday Dalkii ugu horreeyay ee sameeyay diyaarad duulliye la’aan ah oo hawada kula dagaalami karto diyaarad ay saaran yihiin Dad ayna hagayaan howlgallada xiligaas la fulinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here