Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Xuseen Maxamed (Maxamed Carab) iyo wafti balaaran uu Hogaaminaayey oo safar shaqa uga soo amba-baxay magaalada beledweyne ayaa soo gaaray degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.
Waftigan waxaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo wasiiro Ay ka mid yihiin xildhibaan Guhaad cabdulle iyo xildhibaan cumar muse xalane, iyo weliba sidoo kale wasiiru dowladaha wasaarada cadaalada iyo arimaha Garsoorka mudane Mahad Maxamed Xasan beeyle.
Taliyah Qeeybta Poliiska Gobolka Hiiraan.korneyl isaaq cali cabdulle iyo wax garad kale.
Waftigaan waxaa si qurux badan oo maqaam-keedu sareeyo ugu soo dhaweeyey degmada Beergadiid gudomiye ku xigeenada degmada matabaan, oo kala ah arimaha bulshada iyo amniga.
Si lamida waxaa soo dhaweeyntaan tiir-dhexaad u ahaa maamulka degmada Beer-gadiid, iyo shacabka qeeybahiisaa kala duwan.
Gaba-gabadii Waftiga safarkaan oo miisaankiisu culus-yahay ayaa saacadaha soo socda gaari doona degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Halkaas uu Gudoomiyuhu shaqa badan oo muhiim ah ka qaba doona.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane:maxamed carab ayaa u mahad celiyey masuuliyiintii iyo bulshadii sida quruxda badan u soo dhaweeysay, waxaa uuna kula dardaarmay inaay ka shaqeeyaan nabada iyo Horumarka Gobolka.
-DHAMAD






