Xoga qorsoodi ah oo laga faafiyay kulankii Aqalka Cad Ay ku yeesheen Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga.

0
34

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Warbaahinta Axios ayaa soo bandhigtay macluumaad aan horey looga baahin kulankii 18 bishan November ay Aqalka Cad ku yeesheen Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salmaan, iyadoo warbixintan lagu sheegay.

Inta uu socday wadahadallada gaarka ah, wuxuu Trump xoogga saaray sidii uu ugu qancin lahaa Maxamed Bin Salaam , inuu Sacuudiga ku biiro heshiiska Abraham Accords, si xiriir diblomaasiyadeed ay u yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.

Trump wuxuu filayay in la gaaro horumar muuqda, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa si cad uga horyimid, isaga oo sheegay in dareenka shacabka Sucuudiga uu weli aad uga soo horjeedo Israa’iil kaddib dagaalka Qasa, isla markaana caadiyeynta xiriirka aanay suurtagal ahayn ilaa Israa’iil ay oggolaato waddo dhab ah oo wakhti cayiman leh oo loo maro dhismaha dawladda Falastiin,taas oo Netanyahu iyo maamulkiisa ay ka soo horjeedaan.

Saraakiil xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump uu kulanka ka baxay isagoo niyad-jabsan oo xanaaqsan,inkastoo kulanku uu weli ahaaday mid anshax iyo degganaan ku dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here