Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa lagu qarxiyay ceelka gaaska Khormor ee ku yaalla gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq , iyadoo weerarka uu dhacay xilli marxalad xasaasi ah ay ku jirto Ciraaq oo ay socdaan dadaallada lagu soo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha cusub , kaddib doorashadii dhawaan ka dhacday Ciraaq.
Laakin muxuu salka ku hayaa weerarka ka dhacay ceelka Khormor?
Weerarkan wuxuu dhaliyay in isla markiiba ay istaagaan dhammaan sahaydii gaaska u socday warshadaha korontada ee gobolka, taas oo saameyn ku yeelatay ku dhowaad sideetan boqolkiiba korontada Kurdistaan.
Weerarkani ma ahayn mid cusub, waayo marar hore ayaa isla goobtan lagu qaaday weerarro ay fuliyeen kooxaha Shiicada Ciraaq, kuwaas oo loo arkay inay si hoose uga amar qaataan Tehran.
Dhacdadu waxay ku soo beegantay xilli dawladda cusub ee Ciraaq laga wadahadlayo, taas oo ka dhigaysa in weerarka loo qaadanayo farriin siyaasadeed. Todobaadkan, Nouri al-Maliki oo ka mid ah magacyada la hadal hayo ee noqon kara ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa booqday Kurdistaan, wuxuu la kulmay Masu‘ud Barzani.
Waxaa suuragal ah in kooxo doonaya inay carqaladeeyaan wadahadalkaas inay beegsadeen Khormor, si Barzani loogu cadaadiyo go’aanno ku saabsan qaabka lagu dhisayo dawladda cusub. Waxaa kaloo macquul ah in kulankii Maliki iyo Barzani aanu si fiican u dhamaan, weerarkana uu yahay mid ka dhashay khilaaf qarsoon oo labada dhinac u dhexeeya.
Dhanka kale, ceelka gaaska ee Khormor waxaa iminka maamula shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo guulo muuqda ka gaartay kordhinta tamarta gobolka, ilaa heer sahayda korontada ay ku dhowdahay inay noqoto mid si buuxa ugu filan baahida gobolka.
Arrintani waxay keentay in su’aalo la iska weydiiyo cidda ka soo horjeeda maalgashiga Khaliijka ee Kurdistaan inuu guuleysto, iyo in dadka qaarkood aysan dooneyn in Ciraaq yareyso ku-tiirsanaanta gaaska Iiraan.
Waxaa u muuqata in weerarku u yahay farriin laba-geesood ah; mid lagu cadaadinayo Barzani marka uu go’aamada dawladda cusub lagu dhisayo qaadanayo, iyo mid lagu tusayo Imaaraadka in saameyntooda dhaqaale ee Kurdistaan aysan cid walba u farxad gelin.
Marka la isku wada daro, tilmaamaha ugu waaweyn waxay muujinayaan in weerarka ay ka dambeeyeen kooxo gudaha Ciraaq ka dhisan oo leh xiriir dhow oo siyaasadeed iyo mid amni oo ay la leeyihiin Iiraan, kuwaas oo aan doonayn isbeddel ku yimaada dhaqaalaha Kurdistaan, hadday noqon lahayd awood siyaasadeed oo Barzani helayo ama madaxbannaani dhaqaale oo ka imaanaysa maalgashiga Khaliijka.
Xigasho Iman Jamac



