Jimco 28, Nov 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay.
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana ugu dambayn maamulkaas shaaciyay in lagu guulaystay in howlgalkaas lagu toogto sida qoraalka lagu sheegay.
Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidanka DANAB ay si qorsheysan isaga kaashadeen howlgallo kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Ilo kala duwan ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada iskaashanayay ee Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo dhinac ah iyo xubnaha ‘AS’ ee howlgalkaas lagu beegsaday.



