Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya,Axmed Sharac ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in marar badan loo soo jeediyay in dhulkii ay heysteen ka hor 8 December 2024 inta aysan soo gelin Dimishiq in loo soo jeedinayay inay waqooyiga Suuriya kaga dhawaaqaan dawlad madax bannaan oo laga jaro Suuriya intee kale , balse wuxuu sheegay inuu ku adkeystay midnimada Suuriya.
Wuxuu intaa ku daray : “ Iskadaa Idlib inan ka jaro Suuriya inteeda kale , waxaan diyaar u ahaa inan la dagaallamo oo ka hortaggo ciddii iskudayda qeyb ka mid dalka inay jarto, waxay Suuriya ku noqon kartaa dal ; midnimo iyo wadajirkeeda.”






