Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka ee dalka, taas oo qorshaha hore ahayd in lagu qabto 30-ka November 2025.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariim Axmed, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada dib loogu riixay 25-ka December 2025, kaddib markii ay guddigu qiimeeyeen cabashooyin ay muujiyeen qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee ku hawlan diyaar-garowga doorashada.
“25 December 2025 ayaa la qaban doona doorashada goleyaasha deegaanka, waxaana eegnay cabasho ay muujiyeen qaar kamid ah ururada siyaasadda,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in doorashada ay ka qaybgalayaan 61 urur siyaasadeed, halka tirada dadka codeyn doona lagu qiyaasay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala socda gobollada dalka.



