Ciidanka Mareykanka oo howlgalkii u horreeyay oo dhulka ah ka fuliyay Puntland.

0
13

Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Ciidanka Mareykanka ayaa la aaminsanyahay howlgalkii u horreeyay oo dhulka ah inay ka fuliyeen buuralayda Baalade ee Puntland , halkaa oo uu ka socdo dagaalka ka dhankaga ah kooxda Daacish , sida ay werisey Fox News .

Howlgalkan oo dhacay Talaadadii, wuxuu ku bilowday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn MQ-9 Reaper oo gantaallo ku garaacay godod ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan Daacish, oo ay xigtay 10 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka oo dagaal toos ah la galay dagaalyahannada Daacish, iyadoo warbixinta Fox News lagu sheegay in howlgalka lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacish , halka kuwa kalena ay gacanta ku dhigeen.

Mareykanka oo hadda la aaminsanyahay in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka gaar ah inay ka joogaan Puntland , ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhawaan gaarsiiyo in ka badan kun askari oo ciidanka gaarka ah, taa oo la macno inuu Mareykanka ku biirayo howlgalkaa buuraha Calmiskaad, arrin muujinaysa istaraatiji ahaan inuu Mareykanka buuraha ka leeyahay dano badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here