Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Warbaahinta Suudaan ayaa ku warrantay mid ka mid ah dagaalyahannada kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan , oo go’aansaday inuu guursado gabar uu horey kufsi ugu geystay, inta lagu jiray munaasabadda arooskiisa in saaxiibkiis oo isagana ka tirsan RSF ayaa ninkaa arooska u tagay si uu ugu hambalyeeyo, wuxuu iskudayay inuu xabbado dabaal-deg ah kor u rido, balse xabbadii waxay ku dhacday ninka arooska oo meesha ku geeriyooday,
Arintan ayaa waxay dhalisay dagaal toos ah oo ka dhex qarxay ninka xabbada kama’da ah ku dilay arooska iyo qoyska ninka arooska ahaa ee geeriday, waxaana isku dhacaa ka dhashay dhimashada 57 qof.



