Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Diyaarad ka duushay Imaaraadka Carabta ayaa hub iyo agab kale oo milatari oo Mareykanka uu soo saaray geysay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaal magaalada Telaabiib ,
Diyaaradda An-124 ay markii dambe dib ugu laabatay Abu Dhabi ,kaddib saacado yar oo ay ku hakatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Georgia, sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Kan news.



