Norway oo soo saartay go’aan ka dhan ah dadka reer Eritrea ee ku sugan Dalkeeda.

0
26

Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday inay dhalashada kala noqonayso dadka u dhashay dalka Eritrea ee taageera dowladda Eritrea.

Laanta socdaalka Norway ayaa sheegtay in baaritaan labo sano ah kadib ay go’aan ku gaartay in dhalashada Norway lagala noqdo dadka heysta dhalashada Norway ee taageera dowladda iyo nidaamka Eritrea.

Guddi baaritaan oo ka kooban shan xubnood ayaa la sameeyay si ay u baaraan dadka u dhashay dalka Eritrea ee la siiyay dhalashada Norway, kuwaasoo taageera dowladda Eritrea.

Waxaa baaritaan lagu sameeyay 135 Eriteriyaan ah; waxa si dhaw loola socday waxa ay ku qoreen baraha bulshada iyo waxa ay dadka kale ka yiraahdeen.

135 ka mid ah dadka la tijaabiyay ayaa la siiyay dhalashada Norway, waxayna dalkaasi ku noolaayeen sideeddii sano ee la soo dhaafay.

Ilaa hadda 20 qof ayaa sharciga lagala noqday, iyadoo kiisaska 30 kalena la baarayo. Ma cadda inta qof ee laga qaadi doono jinsiyadda guud ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here