Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Wasaaradda arrimaha dibadda Morocco ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya iyo Morocco kala saxiixdeen hannaan cusub oo lagu diyaarinayo iskaashiga labada dal inta u dhaxeysa 2026–2028, iyadoo iskaashigan diiradda lagu saarayo xoojinta booqashooyinka heerka sare iyo horumarinta iskaashiga meelaha muhiimka ah sida beeraha,
kalluumaysiga, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiin karo, tababarka iyo waxbarashada sare.
Wasiirka arrimaha dibadda Morocco, Nasser Bourita ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu sannad kasta siin doono 120 arday oo Soomaali ah deeq waxbarasho, si ay u galaan jaamacadaha, xarumaha farsamada iyo barnaamijyada xirfadaha, kaddib wada-hadallo ka dhacay Rabat oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya.
Dib u cusbooneysiinta iskaashiga Soomaaliya iyo Morocco, wuxuu dhacaya toddobaadyo kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Aljeeriya , halka toddobaadkii hore Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu isagana booqasho ku tagay Morocco, tallaabo lagu muujinayo sida ay Soomaaliya u dheeli-tirayso iskaashiga dalalkan iska soo horjeeda ee waqooyiga Afrika.
Morocco, waxay doonaysa inay sii heysato xiriirka Soomaaliya oo dhawaan taageertay qaraarkii golaha ammaanka ee saxaraha galbeedka loo aqoonsaday is maamul ka tirsan Morocco, halka Aljeeriya ay iskudayayso inay dhisto xiriirka Soomaaliya , kaddib markii Morocco ay isku ballaarisay geeska Afrika.
Waxa horyaal waqtigan Soomaaliya waa in iskaashiga labadan uga tagin warqadaha ee dalku si dhab ah uga faa’iideystaa, isagoo hab dano wadaag ah u wajahaya.



