Booliska Somaliland oo faah faahiyey dhacdadii ka dhacday Hargeysa.

0
34

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Ciidamada Booliska Somaliland ayaa talaabo adag ka qaaday koox baaskoolada ku hubaysan oo uu watay Korneyl Biixi oo saaka ka dhoofayay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Ciidanka illaalada madaarka ayaa is hortaagay in maleeshiyaadkan Korneylku wato ee uu sheegay inay amnigiisa ilaalinayaan ay hub la galaan gudaha waxaana lagu wargeliyay inay wixii hub ah kaga tagaan banaanka.

Qaar kamid ah maleeshiyaadka Korneylka ayaa amar diido sameeyay oo rasaas adeegsaday kuwaas oo xabsiga loo taxaabay inkasta oo markii dambe damaanad lagu sii daayey.

Booliska ayaa ogolaaday inay gudaha u gudbaan dhawr kamid ah maleeshiyaadkii Korneylka barbar socday kaddib markii ay iska wareejiyeen baaskooladihii ay siteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here