Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Milatariga Suudaan ayaa usoo bandhigay Ruushka , heshiis 25 sanno ah oo u oggolaanaya inuu saldhig badeedkii u horreeyay oo Ruushka uu ku yeelanayo Afrika , taa oo Ruushka siinaysa awood istaraatiiji ah oo cusub oo gaarsiinaysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.
Wargeyska Wall Street Journal, ayaa warbixin uu baahiyay waxaa lagu sheegay in saldhigga Ruushka uu ka helayo xeebaha Suudaan uu martigelin karo illaa 300 oo saraakiil iyo milatariga Ruushka ah ,afar markab oo dagaal iyo xataa maraakiib leh awoodda nukliyeerka. Ruushka illaa hadda kama falcelinta heshiiska ay soo bandhigeen milatariga Suudaan, oo dhankooda ay ku beddelanayaan taageerro milatari.
Haddii Ruushka heshiiskan aqbalo , wuxuu helaya waddo isku xiraysa Bariga Afrika, Badda Cas, iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab – oo ah goob ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ganacsiga caalamka.
Suudaan , oo ku jirta dagaal ba’an iyo loollan awood oo u dhexeeya militariga iyo RSF, waxay u muuqataa inay raadineyso xulafo militari iyo dhaqaale oo dibadda ah.
Moscow waxay muddo dheer dooneysay saldhig ku yaal Badda Cas, iyadoo hore ula gashay heshiisyo horudhac ah xilligii dawladda hore ee Cumar al-Bashiir.
Saldhig uu Ruushka halkaa ka helayo ayaa sidoo kale beddelaya khariirada amni iyo awoodda badda cas, xilli Maraykanka, Shiinaha, Turkiga iyo Iiraan ay sidoo kale ku lug leeyihiin siyaasadda gobolka.



