Arbaco, 3 Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa ka walaacsan qorshe ay dawladda Qatar usoo bandhigtay Masar, kaasoo ah inay Qatar diyaar u tahay inay Masar gaarsiiso gaaska dareeraha ah ee (LNG) , si meesha looga saaro baahida gaaska ee ka jirta Masar , kaddib markii Netanyahu uu joojiyay heshiiskii gaaska ay Masar ka heli jirtay Israa’iil, si uu u cadaadiyo dawladda Masar, balse Sisi weli wuu ka labalabaynayaa inuu aqbalo dalabka Qatar, mana doonayo inuu Israa’iil ku beddesho Qatar, sida uu sheegay telefishinka Israa’iil ee Kanaalka 12.






