Arbaco, 3 Dec 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka falcelisay hadalada kasoo baxaayay maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Muqdisho ayay gabadh kamida ah dadkii kasoo qaybgalay munaasabadda weydiisay waxa uusan wax uga dhihin hadalada Trump.
Gabadha oo lagu magacaabo Hibo Sooyaal ayaa weydiisay Ra’iisul wasaaraha “Ilmo adeeradaaba waad u jawaabtee, Donald Trump; maxaadan ugu jawaabin?”
Ra’iisul wasaaraha ayaa isaga oo qoslaya ku bilaabay “Waa su’aal fiican”.
“Madaxweynaha Maraykanku, Soomaaliya kaliya ma ahee wadamo badan ayuu af-xumeeyay runtii” ayuu Ra’iisul wasaarahu yidhi isaga oo ka jawaabaya su’aasha ay gabadhu weydiisay.
“Dad badan buu wax ka sheegay, Nigeria ayuu wax ka sheegay, South Africa ayuu sidoo kale wax ka sheegay; marka mararka qaarkood; waxyaabo la yidhaahdo Salaaman ku dhaafa.” Isaga oo hadalka sii wata.
“In aan arrin ka dhigno oo aan micno u yeelno; waxaa ka dhibyar, in aan iska dhaafno” ayuu ku soo gabagabeeyay
“Runtaan kuu sheegayaa, ma rabo gudaha dalkayaga in ay sii joogaan,” ayuu yidhi intii lagu jiray kulan golihiisa wasiirrada Talaadadii. Trump wuxuu sidoo kale yidhi Maraykanku wuxuu “jid qaldan ku dhici doonaa haddii aan sii wadno in aan qashin soo qaadanno dalkayaga.”
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X wuxuu u dhignaa sidaan:”Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda.
Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna.
Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado”.
Hadallada Trump ayaa yimid iyadoo la soo sheegayay in hay’adaha socdaalka ay qorshaynayaan hawl fulin balaadhan oo ka dhan ah muhaajiriinta, taas oo ka dhici doonta gobolka Minnesota oo Soomaalidu ku badan tahay.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyaga oo ku dooday in ay si aan caddaalad ahayn ugu dhici karto muwaadiniin Maraykan ah oo laga yaabo in muuqaalkoodu u ekaado dad ka yimid Geeska Afrika.






