Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Shiinaha ayaa ballaariyay kaabayaashiisa milatari ee xadka uu la wadaago Hindiya ee buuraha Himalayaha, wuxuuna Shiinaha halkaa ka dhisay garoommo diyaaradeed oo ay adeegsan karaan diyaaradaha casriga ah ee dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo goobo loo diyaariyay gantaallada wax burburiya iyo kuwa qaada madaxyada nukliyeerka.
sida uu maanta baahiyay wargeyska Wall Street Journal oo xiganaya sawirro ay dayax-gacmeedyadu qaadeen.
Si cad wuxuu Shiinaha doonayaa inuu xadka ku yeesho awood ka sarreysa midda milatari ee Hindiya, sababtoo ah Hindiya ma awooddo saldhigyo la mid ah kuwa Shiinaha inay halkaa ka hirgeliso, maaddama cimilada ka jirta aysan lahayn duuliyeyaasha diyaaradaha Hindiya farsamo ay ku adeegsadaan.halkaa Shiinaha uu duuliyeyaashiisa ku tababbaro tiknoolajiyad gaar ah.
Marka loo eego milatari ahaan wuxuu Shiinaha ka hortagaya in xadka Hindiya ay noqoto meel laga soo weerarri karo, waxaana saldhigyada Himalayaha sidoo kale loo adeegsan karaa howlgallo kormeer oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa saldhigyada milatari ee Hindiya.






