Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku daahqaaday dhaqdhaqaaqyo ay gudaha Suuriya ka wadaan xubno ku dhow nidaamkii hore ee Bashaar Al-assad.Sida warbixintu sheegtay:
Taliyihii hore ee sirdoonka Suuriya, General Kamaal Xasan iyo Rami Makhlouf, oo labo hooyo oo isla dhashay ay kala dhaleen isaga Bashar al-Assad isla markaana ka mid ahaa dadka ugu hantida badan Suuriya ayaa la sheegay inay wadaan qorshayaal laba kacdoon oo kala duwan oo ka dhan ah nidaamka Axmed Sharac.
Warbixinta Reuters waxay intaas ku dartay in: Labadani ay maalgelinayaan in ka badan 50,000 dagaalyahan,oo ku kala sugan deegaannada xeebaha Suuriya iyo xadka Lubnaan,isla markaana ay dhisayaan awood ciidan oo gaar u ah oo aan hoos tegin taliska dhexe ee dawladda.
Isla warbixintan ayaa lagu sheegay inaysan labadan nin dhaqdhaqaaqa ay wadaan uusan xiriir la lahayn Bashar Al-assad oo ay dhisanayaan awood ka madax bannaan Bashaar.






