Israa’iil oo jebsatay telefoonnada iyo baraha bulshada ee siyaasiyiin, suxufiyiin.

0
29

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa lagu warramaya inay jebsatay telefoonnada iyo baraha bulshada ee siyaasiyiin, suxufiyiin iyo shaqsiyaad saameyn leh oo ku kala sugan 25 dal oo ka tirsan Yurub, Aasiya oo ay ku jiraan dalalka khaliijka iyo Afrika, iyadoo la adeegsanayo barnaamijka shirkadda Intellexa ee Predator, sida uu weriyay Haaretz.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in la dhageystay telefoonnada shaqiyaadka la beegsaday oo lagu furay kaamirada iyo qeybta makarafoonka ee telefoonnada, halka sidoo kale la sheegay inay Israa’iil basaastay meelaha ay ku kala suganyihiin iyo halka ay inta badan joogaan shaqsiyaadka la beegsaday.

Shirkadda Intellexa oo barnaamijyadeeda uu cunaqabateyn saaray Mareykanka waxaa aasaasay sarkaal hore oo sirdoon ka Israa’iil ka tirsanaa oo lagu magacaabo Tal Dilian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here