Isniin 08, Dec 2025 {HMC} Turkiga ayaa si cad u muujiyay in sannadka 2026 uu noqon karo taariikhda markii u horreysay ee Soomaaliya ay si rasmi ah uga billaabanayso qodista shidaalka iyo khayraadkeeda dabiiciga ah,tallaabo haddii ay hirgasho beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka.
Hadalkan wuxuu ka soo yeeray Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, oo todobaadkii hore shaaciyay in Ankara ay soo iibsatay maraakiib cusub oo si gaar ah loogu talagalay baarista iyo soo saarista khayraadka ku jira xeebaha Soomaaliya.
Bayraktar isagoo ka hadlaya sahannadii lagu sameeyay badaha Soomaaliya, wuxuu yiri:
“Sanadkan waxaan fulinnay hawlgallada seismic-ka, waxayna u badan tahay in 2026 uu noqon doono sannadkii qodista rasmiga ah ee xeebaha Soomaaliya.”
Wuxuu intaas ku daray in natiijo rasmi ah oo ku saabsan halka iyo sida qodistu u bilaabmi doonto lagu dhawaaqi karo bisha Janaayo , taas oo ka dhigan in wejigii qiyaasta iyo saadaasha uu marayo heer gabagabo ah.
Laakiin waxa warbixinta Turkiga ka dhigay mid culays siyaasadeed iyo dhaqaale leh ayaa ah xaqiijinta wasiirka inaysan ku ekaan doonin badda oo keliya.
Turkigu wuxuu qorsheynayaa in uu baaro khayraadka ku jira dhulka Soomaaliya, taas oo u baahan qorshe amni oo adag, maalgashi weyn, iyo kaabeyaasha lafteeda oo dowladdu aysan maanta haysan.
Bayraktar wuxuu qiray in goobaha lagu tuhmayo shidaalka ay yihiin kuwo aan waddooyin gaarin, taasoo micnaheedu yahay in marka hore la dhisi doono wadooyin, adeegyo iyo xarumo tababar oo ka dhigaya in howsha qodista dhulka Soomaaliya ay noqoto mid dhab ah oo suurtagal ah arrin u baahan lacag badan iyo waqti qorsheysan.
Xogta ka soo baxaysa dhinaca Turkiga waxay ku soo aadaysaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo kala-guur ah, halkaas oo weli aan la caddeyn nooca doorashada la qabanayo, jadwalka iyo cidda siyaasadda dalka hoggaamin doonta inta lagu jiro sannadkan muhiimka ah.
Waxaa dheer kalsooni darrada sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa dawladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyo su’aasha weli taagan ee ah; Sidee loo maareyn doonaa khayraadka dalka haddii qodistu billaabato iyadoo aan la haynin heshiis qaran oo qeexaya qaybinta dakhliga, maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida shacabka?
Marxaladan waxay siin kartaa madaxweyne Xasan oo bilaha u dambeeya ee muddo xileedkiisa ku jira inuu ka tago raad dhaxal-reeb ah oo ka dhalan kara marka caqabadaha jira meesha laga saaro ama la diyaariyo jawigii looga bixi lahaa, iyadoo lagu dhinac wado xasilloonida siyaasadeed iyo wacyi gelin bulsho.
Arrin aan laga tagi karin waa in la helo hay’adaha ay khayraadka quseeyaan illaa xukuumadda inay yeeshaan tayadii lagula xisaabtami lahaa Turkiga iyo illaa ka fogaanshaha in khayraadka uu uga daro xaaladda Soomaaliya , taa oo lagu xaqiijin karo markabka helo hoggaamiyeyaal khibrad iyo xogogaalnimo u leh marxaladda ay isku diyaarinayso Soomaaliya.



