Talaado, 9 Dec 2025 {HMC} Waddamada Cambodia iyo Thailand ayaa dagaal xooggan uu ka qarxay xuduudaha ay wadaagaan, iyadoo dhinac walba aanu muujinayn wax tanaasul ah tan iyo markii uu burburay xabad-joojintii Axaddii.
Milatariga Thailand ayaa sheegay in ay iska horimaadyo ka dhaceen shan gobol oo xuduudda ah, isla markaana saddex askartooda ka tirsan ay ku dhinteen tan iyo markii uu dagaalku dib u bilowday.
Cambodia ayaa sheegtay in weerarrada Thailand ay ku dileen toddoba qof oo rayid ah.
Hoggaamiyihii hore ee Cambodia ee ruug-caddaaga ahaa, Hun Sen, ayaa sheegay in ciidamada Cambodia ay “ka jawaabeen” weerarrada Thailand ee Talaadadii, ka dib wax uu ku tilmaamay muddadii dulqaadka.
Taliyaha ciidanka Thailand (Chaiyaphreuk Duangpraphat) ayaa sheegay inuu hiigsanayo inuu curyaamiyo awoodda ciidan ee Cambodia.



