Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wararka ka imanaya Gobolka Minnesota ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) oo muddo 30 sano ah sharci ku lahaa Dalka Maraykaka.
Cabdul ayaa waxa uu ka mid yahay dadka u dhaqdhaqaaqo bulshada (Community activist) si weynna looga yaqaan magaalada Minneapolis.
Cabdul waxaa uu leeyahay 5 caruur ah iyo xaas, waxa ayna dagan yihiin Magaaladda Minneapolis.
Wuxuu la shaqeeyay siyaasiyiin badan oo heerar kala duwan ah.
Mr Cabdul Waligiis lama xirin, weligii dembi looma xukumin, mana uu gelin wax fal dambiyeed ah sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah Jaaliyadda Magaaladda Minneapolis oo noo warramay.
Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka (U.S. House of Representatives) iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Minneapolis ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ilhaan iyo Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) ay walaalo yihiin
Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) ayaa ka soo jeedo qoys deggan Degmadda Kaxda Iyo Magaalada Hargaysa oo aad looga yaqaano Aabihiis.



