Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan dalab culus u gudbisay Mareykanka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan abaaraha laga soo sheegayo gobollada qaar.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV, waxaana kulankooda ay diiradda ku saareen xaqiijinta iskaashi bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, xilli Maraykanku ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca gargaarka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii ay Washington mar kale door muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga lagu wajahayo abaarta hadda ka taagan dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safaaradda iyo dowladda Maraykanka ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka dadka tabaaleysan, wuxuuna sidoo kale kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku aaddan howlgallada bani’aadannimo iyo guud ahaan dadaallda muddada dheer ah ee geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in keydkii cuntada degdegga ahaa ee dalka uu gebi ahaanba faaruqay, xilli ay dalka ka jirto xaalad bini’aadantinimo oo daran.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay halista xaaladda taagan ayaa sidoo kale ka digay in dowladda aysan awood u lahayn inay si wax-ku-ool ah u taakuleyso tirada sii kordheysa ee dadka ay abaartu saameysay.
“Ilaahay unbaa umaddan u maqan, ka bacdina culimada Soomaaliyeed, waa in dadka muslimiinta ah aad u gashaan oo runtii dadka loo gurmado,” ayuu yiri Maxamuud Macallin.
Si kastaba, Tani waxay imaaneysa xilli malaayiin dollar oo gargaar shisheeye ah hore loogu qoondeeyay in lagu taageero bulshooyinka ay abaartu ku sii xoogaysaneyso, uuna dhawaan Shiinuhu ku wareejiyay hay’adda SODMA hal milyan oo dollar oo loogu talagalay gurmadka abaaraha.



