Wasiir Fiqi oo weerarka afka ah ku qaaday Mucaaradka.

0
39

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka dowladda ka hor yimaadeen saddex horumar uu sheegay in wax laga qabtay.

Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta ay diideen; doorasho, dastuur, iyo amniga, isaga oo yiri, “Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana Amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaaan.”

Hadalkaan uu Wasiir Fiqi ku faafiyay bartiisa Facebook ayaa uga falceliyay wareysi uu dhawaan bixiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas uu uga warramayey xaaladda guud ee dalka sida; doorashooyinka, amniga iyo dhameestirka dastuurka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho bishan taariikh dhigi doonta, iyada oo dooraneysa, “dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, qofkii intaas diidanna waa mid shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan,” sida uu ku yiri qaraalkiisa.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa todobaadkaan Muqdisho ka waday isku soo baxyo ay ku mujinayaan sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgalinta doorasho dadweyne iyo sida ay shacabka Muqdisho uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada loo asteeyey in gobolka Banaadir ka dhacdo December 25, 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here