Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wadahadallo u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dawladda loogu yeero midda caalamku aqoonsanyahay ee Yemen oo Sacuudiga uu taageerro ayaa maanta ka furmaya magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan, halkaa oo ay gaareen saraakiil ka socda labada dhinac, iyadoo wadahadalka uu ku soo aaday xilli ciidanka ay taageerraan Imaaraadka ay isku fidinayaan goobaha ay ka taliso dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen.
Toddobaadkan Sacuudiga ayaa heshiis la gaaray Iiraan, si loo mideeyo mowqifkooda arrimaha Yemen , ma cadda haddii Sacuudiga uu heshiis la gaarayo Xuutiyiinta si gacan loo siiyo dawladda la aqoonsanyahay oo hadda burbur kala kulmaysa weerarrada uga imaanaya ciidanka isbahaysiga koonfurta Yemen ee Imaaraadka uu taageerro.



