Abdullah bin Marda’oo caan ka ah baraha bulshada ayaa ku geeriyooday shil gaari.

0
30

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Abdullah bin Marda’ Al-Qahtani “Abu Marda’”, oo ahaa shaqi caan ka ah baraha bulshada una dhashay dalka Sacuudiga, ayaa ku dhintay shil gaari.

Gaariga uu saarnaa oo marar wado uu dayactir ka socday ayaa ku dhacay mashiin dayactirka jidadka ah, waxaana goobta lagu xaqiijiyay geeridiisa, halka laba wiil oo lasocotay laguna kala magacaabo Abu Hissa iyo Dakhiil—ay dhaawacmeen, Dakhiil ayaa lasheegay in uu dhaawaciisu daranyahay hadana uu koma kujiro.

Waaxda taraafikada ee gobolka Hail ayaa sheegtay in baaritaan lagu wado shilka, halka kumannaan taageerayaal ah ay baraha bulshada ka muujiyeen murugo iyo tacsi.

Maanta oo Jimco aheyd dad aad u tiro badan ayaa salaadda janaasada uga tukaday Masjidka Al Rajhi, waxaana lagu aasay qabuuraha Sodiyan ee gobolka Hail.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here