Rabshado Xoogan ayaa ka dhashay Booqashadii Hindiya Ciyaaryahanka kubadda cagta ee Lionel Messi

0
12

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ciyaaryahanka kubadda cagta Lionel Messi, ayaa booqasho ku tagay Hindiya , waxaa maanta la qorsheeyay garoon kubadda cagta ah oo ku yaal magaalada Kolkata , inuu kula kulmo kumannaan taageerrayaal ah oo doonayay inay arkaan , kuwaasoo garoonka ku galay $12 kun illaa $100 , balse wax ka yar 20 daqiiqo ayuu halkaa joogay.

isla markiiba waxaa laga saaray garoonka cabsi laga qabay badqabkiisa, laakin tani waxay ka caraysiisay dadkii doonayay inay arkaan ee lacagta badan bixiyay, kuwaasoo markii dambe gudaha u galay garoonka, halkaana burbur ka geystay , walise xaaladan ayaa taagan iyadoo dadka qaar ay sheegayaan mushaarkooda bisha oo dhan inay u bixiyeen si ay u arkaan Messi , laakin la dhacay oo ay doonayaan lacagtii ka baxday, maaddama aysan arkin.

Wasiiru dawlaha West Bengal, oo ah gobolka ay Kolkata ka tirsan tahay ayaa ka mid ah dadka dhibaatadan wajahay, waxaana garoonka laga saaray Messi inta wasiirkan uu waddada ku soo jiray , isagoo oo ay la socdaan carruurtiisa oo doonayay sawirro inay Messi la galaan , lagu wargeliyay mar horaba Messi inuu ka baxay garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here