Axad 14, Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xamaas Sabtidii, kadib weerar lagu qaaday gaari ku sugnaa gudaha magaalada Qasa.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen militariga Israa’iil iyo hay’adda amniga Shin Bet ayaa ku dhawaaqay in ay “ka takhaluseen” Raed Saad,oo ahaa madaxa soo-saarka hubka ee garabka militari ee Xamaas, ee loo yaqaan Guutada Qassam, kuna sugnaa magaalada Qasa.
Raed Saad waxaa loo arkayay mid ka mid ah taliyeyaasha ugu caansan ee Qassam, wuxuuna hoggaaminayay dhowr guuto intii lagu jiray weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ee lagu qaaday bulshooyinka Israa’iil ee bariga magaalada Qasa.
Afhayeenka difaaca madaniga ah ee ay Xamaas maamusho, Mahmoud Basal, ayaa BBC u sheegay in afar qof lagu dilay weerarka. Wuxuu intaas ku daray in dad kale oo waddada marayay ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Israa’iil ayaa BBC-da ka hor istaagtay in ay si madax banaan uga warranto gudaha Qasa, sidaas darteedna mana awoodo in ay xaqiijiso faahfaahinta dhacdada.
Bayaanka wadajirka ah ee IDF iyo ISA ayaa intaas ku daray in Saad uu “mas’uul ka ahaa dhimashada askar badan” oo lagu dilay Marinka Qasa, taasoo ay ka dhasheen qalabyo qarxa.
Saad waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa golaha hoggaanka militariga ee cusub oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo la aasaasay tan iyo markii xabbad-joojin ay dhaqan gashay bishii Oktoobar.
Israa’iil a ayaa marar badan isku dayday inay disho.
Mid ka mid ah isku dayadii ugu caansanaa wuxuu dhacay intii lagu jiray hawlgal lama filaan ah oo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa bishii Maarso 2024, markaas oo ciidamada Israel la sheegay inay doonayeen inay qabtaan ama dilaan. Ilo-wareedyo xilligaas hadlay ayaa sheegeen in Saad uu ku sugnaa dhismaha la bartilmaameedsaday, balse uu ku guuleystay inuu baxsado daqiiqado ka hor weerarka.
Muddo dheer ayaa loo tixgelinayay inuu ka mid yahay xubnaha Xamaas ee Israa’iil aadka u doonayso, iyadoo isku dayada Israa’iil ee lagu doonayay in lagu dilo ay socdeen in ka badan labaatan sano.
Weerarkii Sabtida ayaa ka dhacay dhinaca ay Falastiiniyiintu maamulaan ee waxa loo yaqaan Khadka Jaallaha ah kaas oo kala qaybiyay Qasa tan iyo markii xabbad-joojin aan degganayn oo Maraykanku hoggaaminayay ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar.



