Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

0
31

Axad 14, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada qaranka, isagoo xusay in uu si weyn uga soo shaqeeyey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo muujinaysa kaalinta uu ku lahaa dhismaha iyo xoojinta qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuum Jaamac Cali Jaamac inuu ku gallado Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here