Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Raysal wasaaraha New South Wales, Chris Minns, ayaa isbitaalka ku booqday Axmed al Axmed oo 43 sano jir ah, kaas oo kasoo muuqday muuqaal isaga oo ka qaadaya qoriga mid kamid ah kuwii soo weeraray Bondi Beach
“Axmed waa geesi dhab ah,” ayuu yiri Minns.
“Xalay, geesinimmadiisa cajiibka ah ayaa shaki la’aan badbaadisay nolosha dad badan markii uu hubka kaqaaday argagixiso isagoo halis weyn naftiisa u geliyay.
“Waxay ii ahayd sharaf inaan waqti la qaato hadda oo aan gudbiyo mahadcelinta dadka ku nool New South Wales oo dhan.
“Shaki kuma jiro in dad badan ay dhiman lahaayeen haddii aanu Axmed muujin geesinimo is-xilqaameed.”, ayuu yiri.






