{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Kumaandooska Danab oo Fuliyay Howlgal Qorsheysan.

0
37

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), iyo kuwa jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa si guul leh u fuliyay hawlgal isugu jiray dhulka iyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada Baladu Raxma, Maana Moofo, Magaanbo, Fagaan, iyo Kabsuuma oo dhamaantod hoostaga Degmada Jamaame, Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana hawgalka dhexdiisa la fuliyay ilaa 8 duqeyn dhanka cirka ah iyo dagaal toos ah , taasoo keentay in khasaaro weyn lagu gaarsiiyo kooxda argagixisada. Waxaana la burburiyay.

• 3 mooto
• 5 doonyood.

kuwaas oo maleeshiyaadku u adeegsanayen dagaalka iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo Ciidamada Qaranka.

Inta lagu jiro howlgalka, ciidamadu waxa ay dileen 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, islamarkaana burburiyeen hub iyo qalab militari oo argagixisadu lahayd, taasoo si weyn u daciiftay awooddii maleeshiyaadka ee deegaanka.

Hawlgalkan qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Danab, kuwa Jubbaland, iyo Saxiibada Caalamka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee loogu jiro in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee dalka ka howlgala, lagana hortago dhibaatooyinka ay u gaysan karaan shacabka rayidka ah iyo amniga dalka.

Ciidanka Kumandooska Soomaaliyeed ee Danab waxay mar kale ku adkaynayaan go’aankooda ah inay sii wadaan howlgallada lagula dagaalamayo khawaarijta
Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here