Masar oo heshiis dhan $200 milyan la saxiixatay shirkadda Al Mana Holding ee laga leeyahay dalka Qadar.

0
23

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Masar ayaa heshiis dhan $200 milyan la saxiixatay shirkadda Al Mana Holding ee laga leeyahay dalka Qadar, kaas oo ku saabsan mashruuc shidaal (sustainable aviation fuel).

Mashruuca ayaa laga hirgelin doonaa Aagga Dhaqaalaha ee Kanaalka Suweys, waxaana la filayaa in wejigiisa koowaad uu soo saaro ilaa 200,000 tan sanadkii.

Tallaabadan ayaa ah maalgelintii warshadeed ee ugu horreysay ee ay Qadar ka sameyso aaggaas, taasoo muujinaysa iskaashi laba geesood ah oo sii xoogeysanaya.

Masar ayaa dadaal ugu jirta soo jiidashada maalgelin shisheeye si ay uga hortagto caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira, oo ay ka mid yihiin deymaha dibadda iyo hoos u dhaca miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here