Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Hindiya , Narendra Modi ayaa maanta booqasho ku tagay Addis Ababa, halkaa oo wadahadallo uu kula yeelanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Booqashada waxaa ka horreysay socdaal ay Addis Ababa ku tageen Ra’iisul wasaaraha Singapore, Lawrence Wong oo sheegay inay Addis Ababa noqon doonto caasimadda labaad ee Afrika oo ay Singapore safaarad ku yeelato, waxaa ka horreyay Ra’iisul wasaaraha Malaysia, Anwar Ibraahim oo booqashadiisa Addis Ababa ay ahayd mid taariikhi ah ,
maaddama uu ahaa hoggaamiyihii u horreeyay ee ka socda Malaysia oo booqda Itoobiya, wuxuuna albaabka u furay iskaashi cusub oo ay yeelanayaan Addis Ababa iyo Kuala Lumpur.




