{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Soo gaaray Muqdisho.

0
24

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta Soo gaaray Magaalada  Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here