Hay’adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

0
28

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay ilaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kala lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen in ay Shacabka ku dhibaateeyaan.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool oo sharci-darro ah oo ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka, waxaana howlgalkan oo ku soo dhammaaday si guul ah looga hortagay damacii Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadawga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here