Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Xoogagga Gurmadka degdegga ah ee Sudan (RSF) ayaa isku dayayay inay qariyaan dilalka baahsan ee ka dhacay magaalada El-Fasher iyagoo aasaya oo gubaya meydadka, koox cilmi baaris ah oo ka socota Jaamacadda Yale ayaa sidaas sheegay.
RSF waxay la kulantay cambaareyn caalami ah iyadoo ay jiraan warbixinno sheegaya iany dhaceen dilal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada markii dagaalyahannadeeda ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar.
Hadda, falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ee Sheybaarka Baaritaanka Bani’aadannimada Yale ee loo soo gaabiyo (HRL) ayaa muujinaysa in RSF ay u badan tahay in ay tuurtay tobanaan kun oo meyd ah ka dib markii ay qabsadeen el-Fasher.
RSF kama aysan jawaabin warbixinta, balse hoggaamiyahooda ayaa horay u qirtay in dagaalyahannadiisu ay xad-gudubyo ka geysteen magaalada.
Warbixinta HRL ayaa lagu sheegay in RSF “ay ku hawlanayd olole joogto ah oo dhawr toddobaad socday si ay u burburiso caddaymaha dilalkeeda baahsan” iyo “qaabkan tuuridda iyo gubidda meydadka iyo ayaa socda”.
Kooxda hubaysan ayaa la dagaallamaysay ciidamada caadiga ah ee Suudaan tan iyo bishii Abriil 2023, markaasoo dagaal awoodeed oo u dhexeeyay labada dhinac uu isu orgay dagaal sokeeye oo ba’an.






