Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland, iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliya, kana kooban ra’iisul-wasaarayaashii hore,
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, iyo siyaasiin kale, ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo. Halkaas ayaa lagu wadaa inuu ka furmo shir socon doona saddex maalmood, kaas oo lagu dooran doono hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo doorashooyin toos ah, iyadoo aan heshiis lagu ahayn, waxaana la filayaa in muhiimadda shirka lagu falanqeeyo xaaladda kala-guurka dalka.






