Madaxweyne Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka

0
20

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay “in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka” ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo.

Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.

Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here