Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa ka hadlay shirka mucaaradka ee maalinta berri uga billaabanaya magaalada Kismaayo.
Qoraal uu soo saarey Wasiirka wuxuu ku sheegay in Dowladda markasta ay ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.
Balse Wasiirka ayaa su’aallo dhowr ah hor dhigay xubnaha Mucaaradka dowladda ee ku sugan Kismaayo, kuwaasi oo uu ku eedeyay in aysan qaarkood aysan dhaqan u laheyn dhaqan doorasho.
“Qof aan lahayn dhaqan doorasho hufan iyo mid dalka kala goyntiisa ka shaqeynayay afartii sano ee la soo dhaafay maanta ma ka hadli karaan Mustaqbalka Soomaaliya?” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin in awoodda loo celiyo shacabka iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.
“Maxay mudadda dheer u diidan yihiin in doodahooda ay geeyaan gogolaha wada hadaladda Qaran? Iyadoo la yaqaan sooyaalkooda maamulidda arimaha doorashadda, Maxayse sida gaarka ah ugu hortaagan yihiin in la qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir?” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.






