Somaliland oo arrinta E-Visa kala hadashay Xildhibaannada Ingiriiska

0
15

Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Ingiriiska, ayaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in xildhibaannada labada gole ay ka wada hadleen horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska, iyo horumarinta duulimaadyada hawada, gaar ahaan sidii looga gudbi lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee dowladda Soomaaliya ku waajibisay dadka reer Somaliland.

“Xildhibaannada waxa aanu kala hadalnay fududaynta arrimaha socdaalka iyo caqabadaha ka jira dhinaca socodka muwaadiniinta Ingiriiska ee ka safraya UK una socda Somaliland, iyo sidii xal loogu heli lahaa wixii caqabado ah ee jira,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad Axmed Nuux.

Xildhibaannadan oo ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska, waxa ugu badnaa xubno ka tirsan koox xildhibaanno ah oo isku magacawday Guddida Saaxiibada Somaliland, kuwaas oo u ololeeya arrimaha ictiraafka Somaliland, isla markaana marar badan doodaha la xidhiidha arrintaas hor geeya golayaasha Baarlamaanka Ingiriiska.

Nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya ayaa caqabad ku noqday dadka reer Somaliland ee ka imanaya dibadda, maadaama dowlada Soomaaliya iyo Somalilandba ka qaadaan lacago dal-ku-gal ah. Waxa kale oo la sheegay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay bilaabeen inay ka soo degaan dalalka jaarka, kadibna dhinaca dhulka kaga soo galaan Somaliland.

Tani waa markii ugu horreysay ee Wasiirku ka hadlo arrimaha socdaalka tan iyo markii la jabsaday nidaamka fiisaha Soomaaliya, xilligaas oo uu sheegay in laga gudbay caqabaddii E-Visa-ha, taas oo dhawr cisho si ku-meel-gaadh ah u istaagtay, balse markiiba dib u soo noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here