Dagaal Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Nuur Dugle

0
21

Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa  sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeya ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah ggobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, isla markaana jab culus la gaarsiiyay xubnihii weerarka lagu qaaday.

Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo badan oo kaid ah gobolkan oo hoostaga maamul-goboleedka HirShabelle.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here