Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Kismaayo

0
17

khamiis 18  December , 2025 (HMC) Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdiga Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Kismaayo.

Shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray R/wasaareyaal hore Kheyre, Rooble iyo Saacid Shirdoon, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, xubnaha mucaaradka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa daqiiqadaha soo aadan ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya golahan oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorsheyaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here