Dawladda Burkina Faso oo sii deysay 11 sarkaal oo ka tirsan milatariga Nigeria.

0
14

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Dawladda Burkina Faso, ayaa sii deysay 11 sarkaal oo ka tirsan milatariga Nigeria , kuwaasoo muddo toddobaad ah lagu hayay xabsi ku yaalla Burkina Faso, kaddib markii saraakiishan oo ka tirsan ciidankii cirka Nigeria ay gudaha usoo galeen hawada Burkina Faso, iyagoo wata diyaarad nooca xamuulka qaada ee C-130, taasoo ciidankii Burkina Faso ay ku qasbeen inay ku soo degto garoon ku yaalla Burkina Faso.

Nigeria , si ay u hesho diyaaradda iyo saraakiisha la socday waxay dirtay cududaar qoraal ah, balse Burkina Faso, markaa ma aysan qaadan cududaarka, taa oo dhalisay in Wasiirka arrimaha dibadda Nigeria, Yusuf Tuggar uu tago Burkina Faso, si uu u caddeeyo sababta diyaaradda iyo saraakiisha la socday ay ugu soo xad-gudbeen hawada Burkina Faso, tana waxay dhalisay in hadda diyaaradda iyo saraakiisha la socdayba dib loogu celiyo Nigeria.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here